Rabshado hareeyay bariga Jarmalka oo sababay dhaawaca dhawr qof

Police stand near a barricade during an operation in the center of Brussels on Sunday, Nov. 22, 2015. Western leaders stepped up the rhetoric against the Islamic State group on Sunday as residents of the Belgian capital awoke to largely empty streets and the city entered its second day under the highest threat level. With a menace of Paris-style attacks against Brussels and a missing suspect in the deadly Nov. 13 attacks in France last spotted crossing into Belgium, the city kept subways and underground trams closed for a second day. (AP Photo/Virginia Mayo)

Magalaada Chemnitz ee dalka Jarmalka waxaa habeenkii labaad xalay ka dhacay isku dhacyo u dhaxeeyay kumanmnaan qof oo ah kuwa u janjeera midigta fog ee caddaannimadu ku weyn tahay iyo dibadbaxayaal ka soo horjeeda kooxaha Faashiistaha ahi.

Dhawr qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.

Dhibaatada ayaa billaabatay Axaddii dhawayd kaddib markii nin u dhashay dalkaasi Jarmalka toorey lagu dilay.

Dilkaasi ayaa loo soo qabtay laba nin oo u kala dhashay waddamada Suuriya iyo Ciraaq.

Boqolaal qof oo u ololeeya arrimaha dadka caddaanka ahi ee midigta fog u janjeera ayaa dilkaasi kagdib waxa ay billaabeen in ay weeraraan dadka ay u arkaan in ay yihiin ajaanib.

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Saxony ee dalkaasi Jarmalka, Roland Woeller, ayaa cambaareeyay rabshadahaasi.

Hoggaamiyaha Jarmalkak, Angela Merkel, ayaa dhankeeda cambaareysay weerarrada ay geysanayaan dibadbaxayaasha midigta fog ee bartilmaameedsanaya dadka ay ajaaniibta u maleeyaan ee magaalada Chemnitz.

Waxa ay sheegtay in melena aysan uga bannaanayn gudaha Jarmalka dadka faafinaya naceybka iyo cunsuriyadda.

Kooxda Pegida ee neceb Islaamka iyo muhaajiriinta ayaa ku baaqday dibadbaxani kaddib dil loo geystay nin 36 jir ah.