R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in SSCkhaatumo ay haysato casumaada rasmiga ah Shirka madasha wadatashiga Qaranka, oo hogaamiyaha SSCKHAATUMO ka qeybgalyo shirka soo wajahan, oo Madaxweynuhu casumaadas soo gaarsiyey.
Casuumaddan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee si rasmi ah loogu martiqaado madaxda SSC-Khaatumo shir heer qaran ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.
Ka qayb galka Firdhiye ee Shirka Madasha ayaa ka dhigan in Dowladda Federaalku ay SSC-Khaatumo siisay maqaam maamul oo ka madax bannaan dhinacyadii hore ay ugu tirsanayd.
“Waa fursad taariikhi ah oo u furan SSC-Khaatumo, waxaana rajaynaynaa in laga wada hadlo masiirka dalka iyo ka qeybgal buuxa oo ay bulshada deegaankaasi ku yeeshaan go’aamada qaran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.



