Fariinta ku saabsan in ay uur leedahay oo ay ku daabacday boggeeda Instagaraam ayaa dadka baraha bulshada isticmaala ay kusoo harqiyeen fariimo hambalyeyn ah.
Xisbigeeda ayaa galay kaalinta labaad doorashooyin dhacay bishii September, iyada oo uusan xisbina helin aqlabiyad qayaxan.
Jacinda ayaa sheegtay in marka ay shaqada ka maqantahay uu Ra’isulwasaare dalka ka noqonayo ninkan lagu magacaabo Peters
Waxa ay sheegtay in xiliga ay fasaxa umusha ku jirto ay isticmaali doonto isgaarsiinta si hawlaha dowladda ay u kala fududeyso iyada oo guriga joogta.
Waxa kale oo jirta in ninkeeda uu isna guriga la joogi doono xiliga ay umusha ku jirto, sida ay sheegtay Ra’isulwasaaraha.
Labo ka mid ah ra’isulwasaareyaashii hore ee New Zealand ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee u hambalyeeyay gabadhan.
Waxa ay hoggaanka xisbiga la wareegtay bishii July ee sanadkii hore, maalinkii koowaad ee xafiiska tagtayna waxaa la weeydiiyay su’aalo ah waxa ay fali doonto haddii ay uur yeelato xili laga wareysanayay taleefishin dalkaas ku yaala. Taas oo ay uga jawaabtay in ay tahay su’aal aanan la aqbali karin in dumarka la weeydiiyo in ay kala doortaan shaqada iyo guriga.
Sanaddii 1990-kii, Ra’isulwasaarihii Pakistan Benazir Bhutto ayaa gabadh dhashay iyada oo Ra’isulwasaare ah, waxayna ahayd hoggaamiyihii ugu horeeyay oo dal adduunka ka mid ah oo dhasha ilmo iyada oo xilka haysa.



