Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay Weerar ka dhacay Magaalada Barcelona ee dalka Spain.
War uu kusoo qoray bartiisa Twitter ayuu ku cambaareeyay Weerarkaasi oo uu sheegay in loo geystay dadka Masaakiin ah oo aan waxba galabsan.
Mudane Kheyre ayaa sidoo kale u rajeeyay dadkii ay waxyeelado soo gaartay in Alle uu siiyo Caafimaadka deg deg ah.
Weerrarkii Khamiistii ayaa lagu gaystay gaari nooca Fiat-ka ah oo la jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddooyinka xaafadda Ramblas, iyadoo halkaana ay ku dhinteen 13 qof tobannaan kalana ay ku dhaawacmeen.
Booliska ayaa markii hore sheegay in nin lagu magacaabay Muusa Awkabir uu ka dambeeyay weerarkii gaariga lagu jiirsiiyay dadka.
Balse waxaa hadda la ogaaday in Muusa uu ka mid ahaa shantii nin ee ay boolisku ku dileen deegaanka loo dalxiis tago ee Cambrils.
Laamaha ammaanka ayaa hadda ku daba jira laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid ahaayeen kooxda weerarkaasi soo maleegtay.
Dhanka kale waxaa xalay kulamo duco iyo maamuus ah loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarkii Barcelona.
59 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa weli ku jira cisbitaallada, 15 ka mid ahna waxaa laga dayrinayaa xaaladooda.



