R.W Kheyre oo ka dhoofay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta Ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan cadde Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu kusii jeedaa magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasi, oo uu kaga qeyb galaayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa ku sugan Magaalada New Yorka.