Qoyasas oo ku go’doonsan degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya  in Qoysas badan ay ku go’doomeen Roobkii ka da’ay degmadaas iyo Fataahada Webiga uu ka geystay

Wararka ayaa sheegaya  in Dadka ku go’doomay Fatahaada Webiga  Daadadka ka dhashay Robka saacadahii la soo dhaafay ka da’ay saameyn xooggan uu ku yeeshay  Dadka danyarta ah

Gudomiyaha Maamulka  degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa ku baaqay in loo soo gurmado Qoysaska ku go’doonsan degmadaas.

Si kastaba ‘ Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah ka dib markii Daadadka Roobka Xilliga deyrta ah iyo Fathaada Webiyada saameeyn xooggan ay ku yeesheen dad badan oo ku nool qaar ka mid ah gobolada dalka.