Shabakada L’Equipe ayaa qortay in kooxda Barcelona xagaagan soo qaadan doono xidiga reer France iyo kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann oo niyad jab ka qaaday in kooxdiisa Champion-ka laga reebay.
Antoine Griezmann ayaa aaminsan haddii uu ku biiro Barcelona inuu kula guuleesan karo koobka horyaalada Yurub ka hor inta uusan kubada cagta ka fariisanin madaama uu koob walbo caalami ah ku guuleestay marka laga reebo Champion-ka.
Haddaba Marca ayaa qortay in imaatinka Antoine Griezmann ay ku xirnaan doonto bixitaanka Philippe Coutinho madaama Barcelona dooneyso kubad sameeyahan Brazilian-ka ah in xagaagan laga iibsado.
Barcelona Philippe Coutinho wuxuu ugu fadhiyaa 142m oo pound weyna ogyihiin in lacagahaas ku heli doonin balse waxay ku kalsoon yihiin in PSG iyo Man United laacibkan kaga iibsan karaan 100m euro ah xagaagan.
Haddii Barca ku guuleesato inay Philippe Coutinho ka dirto Camp Nou ayay u dhaqaadi doontaa soo qaadashada Antoine Griezmann madaama kooxdan qarashaad kale