Qoorqoor oo la kulmay Madasha Xisbiyadda Qaran

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xassn Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Siyaasadeed, maareynta marxaladda kala guurka ee Dalka iyo dhaqan gelinta heshiiskii Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa kala hadlay Madaxda Xisbiyadda Qaran in ay kasoo galaan Shirka looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka ee dhawaan ka dhici doonta Magaalada Dhuusamareeb.

Waa kulankii ugu horeyay ee dhexmara Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye tan iyo markii la doortay.