QM “Waan diyaarinay Ciidamo ka hortaga Tahriibka”

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo gaar ah oo wax ka qaban doona dadka laga Tahriibiyo qeybo ka mid ah Soomaliya.

IOM oo ah Hay’adda Muhaajiriinta Qaramada Midoobay ayaa horey tababaro ku aadan ka hor tagista dhinaca Tahriibka ugu soo gaba gabeysay 30 Askari.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay Ciidamadan sida gaarka ah loo diyaariyay in ay ka shaqeyn doonaan samata bixinta dadka Tahriib doonka ah, iyadoo sidoo kale sheegtay in ay door weyn ka qaadan doonaan yareynta Tahriibka.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta ee IOM ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee ay u sameeyeen Barnaamijka looga hortagayo Tahriibayaasha ay tahay sidii xal looga gaari lahaa halista dadka Muhaajiriinta ah oo la kulma dhibaatooyin fara badan.