Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Al-Shabaab lala galo wada hadal si looga baxo dagaalka ka socda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in taasi ay tahay tilaabadda kaliya ee looga guuleysan karo Al-Shabaab.
Micheal Keating ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in cafiska loo fidinaayo Al-Shabaab in uu yahay mid sabsabasho ah.
“Cafiska loo fidinaayo dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab waa qorshe wax looga sasabanaayo laakiin waxaad u baahan tahay in aad hesho qorshe kale oo looga guuleysan karo Al-Shabaab ”ayuu yiri Keating.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale rajo xumo ka muujiyay in dagaalka Al-Shabaab uu dhamaado sanadyadda soo socda.


