QM oo ku eedeeysay UAE in ay hubeyso maamulada ka jira Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jabisay Cunaqabateynta Hubka ee Saaran  Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci daro hub uga iibisay maamulada dalka ka jira Qaarkood ,taasina ay jabinayso cunaqabeynta hubka ee Saaraan Soomaaliya

Kooxda dabagalka u qaabilsan Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay hayaan Cadeymo ku saabsan hubka ay dowladda Imaaraadka ay siisay maamulada dalka ka jira.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee Maamullada qaar ee Soomaaliya ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Burcad badeedda Soomaaliya sidoo kalena dhibaato weyn ku tahay halganka loogu jiro xasilooni soo celinta Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Markab ay leeyihiin Ciidamada Midowga Yurub uu gacanta ku dhigay Markab laga soo raray dalka Imaaraadka oo loo waday mid ka mid ah maamulada dalka ka jira.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu sharci daro uu yahay saldhigga dowladda Imaaraadka ee Berbera, islamarkaana uu khatar ku yahay ammaanka Soomaaliya.