Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan balaaran ka yeeshay xaalada dalka Soomaaliya waxaana intiisa badan kulanka diirada lagu saaray Amaanka dalka, argagixisada iyo Burcad badeeda, iyadoo lagu baaqay ugu dambayntii Soomaaliya in laga taageero la dagaalanka Burcad-badeeda.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hada ay sii xoogeysanayaan Buracd-badeeda loona baahan yahay in hada si wadajir ah la isaga kaashado, si looga guuleysto Burcad-badeeda.
“Mar walba waa muhiim oo waa baahi jirta in gacan laga siiyo Dowladda Soomaaliya sidii ay ula dagaalami lahayd burcad badeeda iyo dadka amni darrada wadda” Ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Bank Moon oo kulanka ka hadlay.
Ugu dambayntii Gollaha Amniga ee Qaramada midoobey waxay ku baaqeen in heegan laga galo weeraro Argagixiso oo ka dhaca dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in mar walba ay taageerayaan sidoo kale ay garab taagan yihiin Soomaaliya.


