QM oo Ergadii Xildhibaanada soo dooratay fartay inay la xisaabtamaan

Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Michael Keating, ayaa si adag u faray Ergadii soo dooratay Xildhibaanada cusub inay kula xisaabtamaan wax qabadka ay la yimaadaan.

Keating, ayaa sheegay Xubnaha Golaha Shacabka inay soo doorteen Ergo beeleedyo, lagana soo doortay degaanada ay ka soo jeedaan, sidaasi awgeedna ay muhiim tahay in Ergada Beelaha ay kula xisaabtamaan hanaan waxqabadka ay la yimaadaan Xildhibaanada cusub.

“Ergada Beelaha ee soo dooratay Xildhibaanada cusub waa inay la xisaabtamaan Xildhibaanada oo ay kula xisaabtamaan waxqabadka ay la yimaadaan sanadkan 2017-ka.” Ayuu yiri Michael Keating.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay wax u qabtaan degaanadii laga soo doortay.