Madaxa Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dalbaday in “runta laga sheego” weriyaha u dhashay dalka Sucuudi Carabiya, Jamal Khashoggi, ee la la’yahay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa BBC-da u sheegay inuu ka cabsi qabo inay joogto noqoto in sidaas oo kale dad kale loo waayo misana ay caadi iska noqotaba.
Mr Khashoggi, oo ka soo horjeeday dowladda Sucuudiga, ayaa la waayay 2-dii Oktoobar kaddib markii uu booqday qunsuliyadda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Istanbul.
Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay sheegtay in eedaha ah inay amartay dilka ninkaasi ay yihiin kuwo “been ah”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naaif bin Cabdulcasiis, ayaa war ay ka soo xigatay wakaallada wararka ee Sucuudiga Jimcihii, waxaa lagu sheegay inuu yiri, boqortooyadu waxa ay sidoo kale danaynaysaa inay qeexdo “xaqiiqada dhabta ah”, hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray in eedaha ah inay amartay dilka Mr Khashoggi ay yihiin kuwo aan “sal lahayn”.
Ila wareed ka tirsan ciidammada ammaanka ee Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in saraakiishu ay hayaan caddeyn ah cod maqal iyo muuqaal ah oo qeexaysa in Mr Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargeyska the Washington Post, lagu dhex dilay qunsuliyadda dhexdeeda.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaas oo loo malaynayay inuu xiriir wanaagsan la sameeyay dalka Sacuudi Carabiya ayaa isna codsaday in xaqiiqda dhabta ah la sheego.
Waxa uu u sheegay warbaahinta CBS News in “ciqaab adag” ay xigi doonto haddii Sacuudi Carabiya lagu helo inay mas’uul ka aheyd arrintaasi.
Hasayeeshee waxa uu meesha ka saaray inuu hakin doono qandaraaska milateri ee ballaaran ee uu Mareykanku kula jiro boqortooyada taas oo uu ku sababeeyay in haddii la joojiyo qandaraaskaasi ay dad badan ku dhici doonto shaqo la’aan.
Mr Trump ayaa Jimcihii waxa uu weriyayaasha u sheegay inay suuragal tahay inuu Waco Boqor Salmaanka Sucuudi Carabiya si uu ugala hadlo “xaaladda ba’an ee ka taagan Turkiga”.



