QM oo cambaareysay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu  cambaareeyay weerarradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay geysteen Al-Shabaab, isla markaana sababay dhimashada dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska/ehellada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.

Xoghayaha Guud wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si dadka iyo Dowladda Soomaaliya loogu taageeraan waddada ay u marayaan Soomaaliya oo nabad ah.