QM iyo Uganda oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya

Adis-Ababa-RisaalaFM- Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Itoobiya gaar ahaan xarunta dhexe ee Ururka Midowga Africa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Labada Masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen Xaaladda Ammaanka ee wadamada Soomaaliya, South Sudan, Burundi iyo Koongada Dimquraadiga, maadaama Dalalkan ay ka jiraan xaalado qatar oo dhanka amniga ah.

Waxa ay si gaar ah kulankooda diirada ugu saareen Xaaladda Soomaaliya, Howlgalka AMISOM iyo Xilliga Kala guurka ee Soomaalia, oo Doorashada Madaxweynaha ay ka dhaceyso 8-da Febraayo 2017-ka.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay ka codsaday in dalkiisa laga taageero xaaladda Qaxootiga ku sugan Uganda, si dadkaasi ay u helaan cuno ku fulin.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxa ay isla garteen sidii Dalka Soomaaliya looga taageeri lahaa baahida la xiriirta dhismaha aragtida siyaasadeed ee Qaranka Soomaaliya.

Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya maanta waxaa ka furmaya shirweynaha 28-aad ee Hoggaamiyeyaasha Qaarada Afrika, waxaana shirkaas ka qeyb galaya qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dalalka Afrika oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.