Qeybo kamid ah Magaalada Djibouti oo maalintii labbaad Biyo la’aan ah

Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Djibouti ee xarunta dalka Djibouti ayaa tibaaxaya in biyo la’aan baahsan ay ka taagantahay magaaladaasi.

Tan iyo maalintii shaley qeybo badan oo ka mida xaafaddaha magaalada Djibouti waxaa ka taagan biyo la’aan saameysay nolosha dadka ku nool magaaladaasi, waxaana bartamaha magaaladaasi lagu arkayay dad safaf ugu jiro sidii biyo ay ku heli lahaayeen.

Dowladda Djibouti gaar ahaan Wakaalada biyaha ee dalkaasi weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin sababta ay biyaha kaga maqanyihiin magaaladaasi.

“Dhib badan ayaan ku qabnaa xaaladaan biya la’aanta ah waxaana tan iyo maalintii shalay aheyd nafta ku sasabeynay biyaha macaan ee la iibiyo, ma jirto cid biyo la’aan noolaan karto” ayuu sheegay mid kamid ah dadka ku nool magaalada Djibouti ee biyo la’aanta saameysay oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA.