Qaxootiga Soomaaliyeed oo dibadbaxyo ka dhigay Jesiiradda Cagliari.

Tiro ka mid qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Jesiiradda Cagliari ee dalka Talyaaniga ayaa dhigay banaanbax ay  dalbanyeen in loo ogaalaado in ay ka gudbaan jasiiradaas oo ay kujireen dhowr bilood.

Maamulka Jesiiradda Cagliari  ayaa sheegay in Qaxootigaan inaan loo ogolaan doonin  inay u gudbaan dalalka kale ee  Galbeedka Qaaradda Yurub ,taasna waxa ay  sabab ugu dhigeen  in uu jiro  amar kasoo baxay Aqalka sare talyaaniga.

Dadka dibadbaxyada dhigay ayaa waxaa lagu qiyaasay tiradooda 100 qof kuwasoo horay ay badda ugu soo badbaadiyeen Ciidamada bada ee talyaaniga,waxayna hada doonayaan in ay ka baxeen jasiiradaas oo ay noolal xumo ku haysto.

 

Qaar ka mid dadka kunool Jesiiradda Cagliari iyo banaanbaxayaasha ayaa isku gacan qaaday waxaana  qaxootiga ay xirteen faras magaalaha jasiiraada waxayna hakad galiyey muddo dhowr saacadood isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Maamulka jesiirada iyo Ciidamadda police-ka ayaa kala cayriyey qaxootiga banaanbaxayada dhigaayey waxayna u shegeen in dhibka haysta loo gudbindoono Madexda Talyaaniga ,hadana looga baahanyahay inay dib ugu laabtan xeryaha ay kasoo banaan baxeen.

Qaxootiga dibadbaxa dhigayey ayaa badan kood waxay kasoo jeedaan dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.