Qaxootiga Soomaalida ee sharci darrada ku jooga dalka Jarlamalka oo la soo celinayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal ku jooga dalka Germany ayaa la kulmay Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Olaf Scholz oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal.
Wargeyska ugu Afka dheer Jarmalka ee Bild ayaa wareysi uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh kasoo xigtay inuu sameeyay ballanqaad ku saabsana inay Soomaaliya dib loogu celin karo Soomaalida aan sharci degenaansho ka haysan Jarmalka ama la qabsan waayay dalkaasi.
“Waa inaan mar kale hoy u noqonaa Muwaadiniinteena iyo kuwa kuwa ku nool Jarmalka. Mid kasta oo iyaga ka mid ah wuxuu Guri ku leeyahay Somaliya, dhammaantood way soo noqon karaan. DHibaato ma jirto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo u warramay weriye Peter Tiede oo ka tirsan Wargeyska Bild.