Qaraxyo ruxay garoonka diyaaradaha ee Kabul

Policemen keep watch as angry Afghan protesters burn tires and shout slogans at the site of a blast in Kabul, Afghanistan September 3, 2019.REUTERS/Omar Sobhani

Qaraxyo ayaa maanta ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo kumanaan qof oo ka cararaya xukunka Taalibaan ay buuxiyeen.

Qaraxa ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby. Sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey dhimashada dhowr qof.

Sidoo kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo xigatay mas’uul ka tirsan ururka Taalibaan in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qaraxa, oo ay ku jiraan caruur. Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ilaalada Taalibaan ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Qaraxa ayaa yimid ayada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka, uguna baaqeen shacabka inay ka fogaadaan halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa kadib la arkay ugu yaraan hal qof oo hubeysan oo rasaas furaya.