Inta la xaqiijiyay 21-Qof oo ay ku jiraan 4-Wariyeyaal ah ayaa ku geeriyooday halka daraasiin kale ay ku dhaawacmeen ka dib labo Qarax ay ka dhaceen Magaalada Kapul ee caasimadda dalka Afgaanistaan.
Sidda ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka Qaraxyadda waxa ay ka dhaceen aaga Shashdarak oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Kapul.
Qaraxa hore oo ahaa Qof Naftii halige ah oo isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay xarun Laamaha amaanka Afganistan ay leeyihiin oo ku taalo magaalada Kapul,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha dalkaasi.
Sidoo kale,Qaraxa Labaad oo ku dhacay 20-daqiiqo gudahooda ka dib Qaraxii koowaad ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ka soo gaartay Kooxo Gurmad Caafimaad iyo Wariyeyaal goobta soo gaaray,sida warbixintu ay sheegeyso.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in Weerarka ay ku dhinteen ku dhawaad 21-ruux halka 27-kale ay ku dhaawacmeen.
Wakaalada Wararka ee AFP,ayaa ku warantay in Wariye sawir qaade u ahaa,Shah Marai,uu ka mid noqday dadka ay Qaraxyada waxyeelo ka soo gaartay.
Ma jirto,cid ilaa iyo hadda sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyada ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Kapul oo ku soo aaday,xilli subax hore ay tahay oo dadka ay shaqooyin iyo waxbarashada ay u jarmaadayeen.



