
Qarax ka dhacay maqaaxi lagu shaaho magaalada St Petersburg ayaa waxaa ku dhintay Vladlen Tatarsky oo ahaa nin caan ah oo wax ku qora Online-ka kana tirsanaa militariga Ruushka, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka.
Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay ugu yaraan 25 qof.
Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qaraxa iyo dad dhaawac ah oo maraya wadada. ma kala cadda cidda ka dambeysay qaraxa.
Vladlen Tatarsky (magaciisa dhabta ah uu yahay Maxim Fomin) wuxuu ahaa nin si weyn u taageerayya dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.
Xilliggii uu qaraxa dhacayay, Vladlen Tatarsky wuxuu marti ka ahaa munaasabad ka socotay maqaaxida.
Waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya warbaahinta Ruushka oo ku saabsan qarax. warbaahinta Ruushka oo soo xiganeyso ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegayaa in taallo yar oo ku jirtay kartoon oo lagu soo qariyay bambo haddiyaad ahaan loogu guddoonsiyay Mr. Vladlen Tatarsky xilli uu ka qeybgalayay xafladda.
Muuqaal sidoo kale lagu baahiyay barta Telegramka ayaa muujinayay kartoon lagu soo qariyay bambada oo si kaftan ah loogu dhiibayo ninka hase ahaatee, BBC-da ma xaqiijin karto in waxlahaas uu qaraxa ahaa.



