Qarax Miino oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saakay ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarbuunka.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada Hodan ayaa waxa uu nuuciisa ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, sida ay inoo sheegeen ddka degaanka.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Qaraxan oo lagu aasay derbiga wado u dhow guri halkaasi ku yaalla in lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo wadada marayay, watayna Gaari nuuca raaxada ah.

Khasaaraha hordhaca ah ee qaraxan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ku dhintay Hal Qof oo shacab ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa durba gaaray halkaasi, waxayna qaadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxan, si ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanka la xiriira qaraxan, waxayna xireen aagga goobta uu qaraxa ka dhacay, iyada oo halkaasi ay soo buux dhaafiyeen dadweynaha degaanka.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan oo ay kaga hadleen qaraxan ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay iyaga ka dambeeyeen, sidoo kalena ay ku dileen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda.

21-kii January ayay aheyd markii Qarax Miino ay ku dhinteen  laba ruux oo shacab ah, kaasi oo ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr ee Muqdisho oo hadda ay degan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliya.