Ugu yaraan 7 Askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ayaa ku dhinteen Qarax Miino oo ay Al-Shabaab u dhigeen Ciidamo kasoo baxay degmada Waajid ,islamarkaana kusoo jeeday Magaalada Baydhabo.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi Miino ay ku dileen Ciidamo isugu jira Soomaali iyo sidoo kale Itoobiyaan.
Ciidamada Itoobiya ee Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Wariyaha Risaala ee degaanada Koonfur Galbeed ayaa kusoo waramaya in Qaraxaasi ciidamada ku dhintay ay Soomaali u badan yihiin.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale AMISOM ee ku aadan Qaraxa lala eegtay.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net



