Qarax lala eegtay Ciidamo Boolis ah

Qarax xooggan ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska dalka Masar oo ku sugnaa gobolka Nile Delta .

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska dalka Masar.

Waxaa uu Qaraxu ka dhacay Iridda Hore ee goob lagu tababaro Ciidamada Booliska dalka Masar.

Ilaha Sirdoonka dalka Masar ayaa xaqiijiyay Geerida labo Sarkaal iyo sidoo kale dhaawaca 15 qof.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Mooto yar oo uu waday qof isasoo miidaamiyay.

Magaalada Tanta oo ay ku taallo xarunta Weerarka lagu qaaday ayaa Ammaankeeda aad loo adkeeyay.