Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Baledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax khasaare geystay uu Caawa ka dhacay xaafada buundo weyn ee magaalada Beledweyne.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegaya in lagu weeraray bombo gacmeed , waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawacyo.

Kudhawaad 7 ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxa ka dhacay Baledweyne  sida ay Risaala u sheegeen madax ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa u badan dumar , waxaana la sheegaya in ay caano ku gadaayeen goobta lagu weeraray bombooyinka.