Muqdisho-RisaalaFM- Qarax khasaare geystay ayaa ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadii C/qaasim ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.
Qaraxan oo nuuciisa lagu sheegay Miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay Gaari nuuciisa uu yahay Hiluxe oo ay saarnaayeen Ciidamo, kaasi oo marayay wadada C/qaasim.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay Qaraxan in ay uu ku dhaawacmay Hal Askari, sidoo kale waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay wiil dhalinayaro ah oo halkaasi marayay.
Ilaa hadda lama oga masuulka lala eegtay Qaraxan, maadaama weli ay socdaan baaritaanada Qaraxan.
Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira Qaraxaasi.


