Qarax Miiino ayaa goordhow ka dhacay wadada Afisyooni ee Muqdisho sida ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Qaraxa oo mid xooggan ayaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.
Waxaa Qaraxa lala beegsaday Sarkaal lagu magacaabo Cumar C/raxmaan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga.
Sarkaalka iyo Askatii la socotay waxaa soo gaaray dhaawac halka wararka qaar ay sheegayaan in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay.



