Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Tarabuunka & Isbitaalka Ciidanka xoogga dalka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Gaari Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa lagu weeraray Gaadiid uu la socday Taliyaha Ciidamada xoogga dalka janeraal Odawaa Yuusuf Raage.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana la sheegayaa in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxa.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiorisaala.com



