Faah Faahino Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay Maaalada Boosaaso islamarkaana lagu burburiyay booyad biyaha u dhaamin jirtay ciidamada PMPF.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa burburiyay booyadda sida ay sheegayaan Illo wareedyo ku sugan Boosaaso.
Waa qaraxii labaad oo mudda 48 saac ah ka dhacay Boosaaso iyadoo uu shalkaasi ka dhacay qarax khasaare xooggan sababay.
Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeiyootay qaraxii ka dhacay meherad lagu qayilo halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo kale
Maalimihii dambe waxa Boosaaso ka dhacayay qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha ganacsiga iyo meherada la isugu yimaado kuwaas oo khasaare kala duwan sababay.



