SAWIRO: Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Beledweyne

Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay Guriga ay Magaalada Beledweyne ay ka degan yihiin mas,uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa ka dhacay Guriga dhexdiisa, waxaana la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu Aasay, waxaana sidoo kale guriga qaraxu ka dhacay wax ka degan Gudoomiyihii ee gobolka Hiiraan Cumar Baadiyow.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan qaraxa ayaa dhacay xilli labadda Mas’uul ay guriga ka maqnaayeen, islamarkaana ay jireen xerada Ciidanka ee lamagalaay.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa waxaa ku dhintay qof dumar ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo ruux oo kale.