Qarax ka dhacay Degaanka Ceelasha biyaha

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya  Qaraxweyn oo  saakay ka dhacay degaanka Ceelasha  biyaha ee duleedka Magaalada  Muqdisho.

Qaraxa ayaa wararku ay sheegayaan in uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo  buuxiyay oo ku qarxay  meel  u dhow bar koontarool oo ciidamada dawlada ay ku leeyhihiin halkaas.

Ciidamada Dawlada ee ku  sugan  degaanka Ceelasha biyaha gaar’ahaan inta u dhexeysa Baar Alnasri 3 iyo sheekh Rufaaci  oo halkaas barkoontrool ku leh ayaa la sheegay in ay rasaaseeyeen  gaari  si xawli ah ku socday  kaas oo qarxay markii rasaasta ciidanka ay ku fureen

Lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa blasé qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta  Dawlada ayaa u qornaa sidan:

Ciidamo ku sugan Bar control oo ku taala ceelasha biyaha inta u dhexeysa Baar Al-nasri 3 iyo Sheekh Rufaaci ayaa rasas huwiyey gaariga oo xoog ku socday taas waxaa ay keentay in dhagartii ay doonayeen ilaahay ku fashiliyey gacmaha geesiyaasha ayaa lagu yiri qoraalkan lagu daabacay warbaahinta  Dawlada.