Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax ismiidaamin ahaa lala eegtay xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday Salaadii Jimcaha Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday Wasiirka iyo dadkale, waxaana qaraxa ku dhintay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim lugbuur, qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad Shacab ah.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya & kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa xiray waddooyinka soo gala Aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.



