Home Wararka Qarax caawa ka dhacay Baydhabo

Qarax caawa ka dhacay Baydhabo

SHARE

Baydhabo-RisaalaFM– Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayàa waxa ay sheegayaan in weerar bambo gacmeed loo adeegsaday uu fiidnimadii caawa ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxan ayaa ahaa mid si weyn looga maqlay xaafada Onodka oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay, dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in bartilmaameedka uu ahaa askari Koonfur Galbeed ka tirsan oo xilligii afurka biyo ka cabayay maqaaxi yar.

Hay’ adaha ammaanka ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Baydhabo, si dhaawacooda wax looga qabto.

Ciidanka ammaanka ayaa caawa baaritaano amni xaqiijin ah ka wada aagga uu weerarkan ka dhacay, waxaana ay ku daba jiraan raggii falkan geystay.

Magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowlad goboleedyada dalka oo laba maalmood halkaasi ka socday, waxaana ammaanka uu ahaa inta uu shirka socday mid aad loo xaqiijiyay.