Daawo: Qarax 53 Qof ku dilay isbitaal ku yaalla Pakistan

Waxaa la sheegay in waxyeelada u badan ay soo gaartay garyaqaanno iyo saxafiyiin

Weerar isqarxin loo maleynayo oo lagu qaaday isbitaal ku yaal magaalada Quetta ee dalka Pakistan, ayaa lagu dilay ugu yaraan 53 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro dad ah.

Ugu yaraan 18 ka mid ah dhimashada, ayaa qareeno ahaa oo dhismaha u yimid tacsida mid ka mid ah saaxiibadooda shaqada, Bilal Kasi oo la toogtay.

Qaraxa oo la sheegay in sidoo kale ay suxufyiin ku dhinteen ayey rasaas dabo socotay.

Garyaqaannadan waxaa lagu dabiibayaa gaari korkii waxyar uun kaddib markii uu qaraxu dhacay

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhimashada 53-da ruux ee lagu dilay isbitaalka. Sababta weerarka ka dmabeysay ayaan la ogeyn, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda. Wasiirka gobolka Balochistan ayaa durbaba ku eedeeyay India.

w1 w2 w3 w4 w5 w5 w6 w7