Qaramada Midoobay oo meelmarisay in ciidan la geeyo South Sudan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay in la geeyo dalka South Sudan ciidamo nabad ilaalineed oo dheeraad ah oo ka socda waddamada gobolka oo gaaraya ilaa 4000 oo askari.

Bishii la soo dhaafay ayaa maalmo lagu dagaalamay gudaha magaalada caasimadda u ah South Sudan ayaa waxaa ka dhashay dil baahsan, tacaddiyo galmo iyo dhibaatada xaaladda bini’aadamnimo oo sii darsatay.

Waxaa xooga la saaray intii uu socday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay mas’uuliyadda aasaasiga ah ee ilaalinta dadka rayidka .

Balse milateriga dalkaasi South Sudan ayaa lagu eedeyay inay ka qeybqaateen dilalkii iyo tacadiyadii loo geeystay dad rayid ah intii dagaalada ay socdeen.

Qarmada Midoobay ayaa ciidan dheerad ah dalkaasi u dirayso iyadoo xaaladana ay kacsantahay.

Ciidammadan dheeradka ah oo gaaraya ilaa 4000 ayaa qeyb libaax leh ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda Juba, si ay u ilaaliyan gegida diyaaradaha iyo xaruumo kale oo muhiim ah.