Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saakay Xiran, waxaana lasoo dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Isgoysyadda Taleex, Soobe iyo Banaadir iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada, waxaana la ogeyn sababta Wadooyinka loo xiray.
Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saakay kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.


