Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada maamulada oo gaaray Baydhabo

Qaar ka mid ah Guddoonka Baarlamaanada maamul goboleedyadda ayaa goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyeyaasha Baarlaanada maamulada Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa tagay Magaalada Baydhabo si uga qeyb galaan Shirka halkaasi ka furmi doona Berri.

Waxaa lagu waddaa sidoo kale in Magaalada Baydhabo ay gaaraan Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Ammaanka  Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay , waxaana lagu waddaa in Shirkaasi uu dhaco maalmaha soo socda.

Shirka Guddoonada baarlamaanka ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Guddoonka Aqalka Sare.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa Garwadeen ka ah Shirkaan, waxaana lagu waddaa in lagu sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin Guddoonada Baarlamaanada.