Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa u hambalyeeyay Donald Trump, kadib guushii uu ka gaaray doorashada, isagoo ugu yeeray “nin geesi ah”.
Mar uu ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Sochi, ayaa madaxweynaha Ruushka waxaa uu sheegay in Trump “dhinac kasta laga dhibaateeyay” 5-tii sano ee hore ee uu xilka hayay.
Putin waxaa uu sidoo kale sheegay in ballan qaadki Trump ee ah inuu gacan ka geysan karo in la soo af-jaro dagaalka Ukraine ay “ugu yaraan u baahantahay in la tixgeliyo.
Xiligii u uku guda jiray ololahiisa, Donald Trump, waxaa uu dhowr mar ku celceliyay inuu “maalin gudaheed” ku joojin karo dagaalka Ukraine, balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin sida ay taasi suurtagal u tahay.
Mar wax laga weydiiyay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Trump, Putin wxaa u uku jawaabay: “Diyaar ayaan nahay, diyaar baan ahay”.
Trump aya hore khamistii u sheegy, inuu qorsheynayo inuu la hadlo Putin.
Ruushka ayaa si weyn loogu eedeeyay inuu farageliyay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ee 2016-kii oo uu Donald Trump kaga adkaaday Hilary Clinton.
Ruushka ayaa marar badan beeniyay inuu faragelin ku sameeyay doorashada Maraykanka.



