Puntland oo sii daysay Kalluumaysato ajaanib ah

TO GO WITH AFP STORY BY JEAN-MARC MOJON A Somali, part armed militia, part pirate, carries his high-caliber weapon on a beach in the central Somali town of Hobyo on August 20, 2010. Hobyo has no schools, no clinics and bad drinking water sources. Fighting a losing battle against the sand that has already completely covered the old Italian port, Hobyo's scattering of rundown houses and shacks looks anything but the nerve centre of an activity threatening global shipping. AFP PHOTO / ROBERTO SCHMIDT (Photo credit should read ROBERTO SCHMIDT/AFP/Getty Images)

Boosaaso-RisaalaFM- Magaalada Boosaaso ayaa maanta laga sii daayay 17 ka mid ah Kalluumaysato ka soo jeedda Wadanka Iiraan kuwaas oo sanadkii la soo dhaafay laga qabtay Xeebaha degaanada Puntland.

Raggan maanta la sii daayay ayaa waxa ay u xirnaayeen iney si sharci darro ah uga kallumeysanayeen Xeebaha Puntland, intaasi kadibna ay gacanta ku dhigeen Ciidanka ammaanka Puntland.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland oo kaashanaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Gadiidka ayaa maanta sii daysay kalluumaysatadaas kadib markii lagu ganaaxay lacag.

Maxaabiista Kalluumeysatada ah ee u dhashay dalka Iiraan ee maanta ay sii daysay Puntland ayaa horay loo dul dhigay lacag ganaax ah.

Kalluumaysatadaan la sii daayay ayaa lagu qabtay howlgal sannadkii hore ciidanka badda Puntland ka sameeyeen xeebaha gobolka Bari, waxaana howlgalkaasi lagu dilay Kabtankii Doonidaasi.

Puntland ayaa tan iyo waqtigaas gacanta ku haysay kalluumaystadaan, dowladda Iiran ayaa kaalin ka qaadatay sii daynta maxaabiista u dhashay dalkeeda, iyadoo horey uga codsatay Puntland in kalluumaysatadaan la sii daayo.