Puntland oo sheegtay in ay dishay dagaalyahano ka tirsan Daacish

Wararka ka imanaya Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish ay maanta ku dagaalameen meel u dhow Degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa miino loogu aasay meel u dhow degmada Qandala , waxaana ku dhaawacmay Miinadaasi 3 askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay dileen 7 ka tirsan Kooxda ,islamarkaana ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan Wali galin Magaalada , islamarkaana ay joogaan meel u dhow Magaalada Qandala, ayna gali doonaan Saacadaha soo socda.

Magaalada Qandala ayaa dabayaaqadii bishii October waxaa qabsatay kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.

Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in ciidanka maamulka Puntland ay hareereeyeen Magaalada Qandala.