Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sheegay inay si guul leh u soo gabagabeeyeen hawlgal amni oo qorshaysnaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ay ku eedeeyeen inay khatar ku ahaayeen amniga iyo kala dambeynta.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu qabtay saraakiil ay sheegeen inay hoggaaminayeen maleeshiyaadka, oo ay ku jiraan Giijaale Cabdi Baydhabo, Baariyoow, Mahad Mowliid iyo qof kale oo lagu sheegay inuu qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliyeed.
Puntland waxay sheegtay in hawlgalka lagu soo qabtay 101 eedeysane iyo 60 qof oo dhaawac ah, iyadoo xustay in marka laga reebo dadka loo haysto dambiyada culus, ehellada dadka dhaawacmay ay ula bixi karaan si waafaqsan habraacyada hay’adaha amniga iyo garsoorka.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, oo ay ku jiraan qoryo, rasaas, tuutayaal boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha booliska iyo qalab kale oo la sheegay inuu qayb ka ahaa deeq ay Dowladda Shiinaha siisay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ugu baaqay dhammaan kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada Puntland inay isu soo dhiibaan maamulka, iyagoo uga digay in cid kasta oo diidda awaamiirta hay’adaha amniga laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah, isla markaana laga fulin doono hawlgallo kale oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida.



