Kadib markii Wasiirka Wasaaradda Amniga uu soo saaray Amar ku saabsan in Ciidanka NISA laga soo saaro Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho hadal heyn badana ay ka dhalatay ayuu faah faahin ka bixiyay Wasiirka.
Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde uu quseeye kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka)
” Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde ayuu yiri” Wasiirka.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa tan iyo markii la Magacaabay waxaa uu qaaday tallaabooyin dhowr ah, iyada oo badi aysan dhaqan gelin, waxaana dad badan ay sheegeen in tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo la xiriira Arrimo siyaasadeed.



