Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa mamulada Puntland iyo sidoo kale Galmudug ee ka taagan gobolka Mudug.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in colaada magaalada loo baahan in la dejiyo , islamarkaana uusan dagaal ka dhacin gobolka Mudug.
Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Caawale Qeydiid ayuu ku eedeeyay in uu rabo in uu dagaal ka huriyo Gaalkacyo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hadalkii kasoo baxay Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ee ku aadana in Puntland ay jawaab ka bixiso ciidankii dhawaan lagu dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyay in hogaaminayay duqeyntii loo geystay ciidanka dowlad goboleedka Galmudug ee saldhiga kulaa duleedka magaalada Gaalkacyo.
Isku duwaha Wasaarada warfaafinta maamulka Puntland Cabdinaasir Badel Khaliif oo falkii lagu dilay ciidanka Galmudug ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka difaaca Puntland iyo sidoo kale dowladda Mareykanka ay howgalkaasi ay fuliyeen.


