Puntland oo howlgal ku qabatay Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish

Ciidamada Difaaca Dowlad Goboleedka Puntland oo ay wehlinayeen Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa saacadihii la soi dhaafay ay ka saneeyeen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen inta badan Xaafadaha Magaalada boosaaso, iyaga oo baarayay Gurryaha qaar oo ay Ciidamada ka shakiyaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ee PSF ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qab qabtay dad farabadan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo mararka qaar falal amni darro ka geysta Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga Magaalada Boosaaso iyo degaannada hoostaga, halkaas oo mararka qaar weeraro iyo qaraxyo ay ka dhacaan.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland degaano hoostaga ayaa waxaa ka dhaca weeraro toos ah iyo qaraxyo lala beegsado Ciidamada kala duwan ee Puntland, kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab.