Puntland oo diyaarinaysa habraaca ka hortagga Covid19 xilliga doorashada

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland iyo Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta  kala saxiixday is-afgarad la xiriira xakamaynta Covid19 xilliga doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Is afgaradkaan ayaa ka kooban 4 qodob oo kala ah:

  1. Diyaarinta habraaca ka hortagga Covid19 xilliga doorashada.
  2. Helista agabka ka hortagga Covid19.
  3. Bixinta tababar ku saabsan badqabka caafimaadka shaqaalaha Guddiga, hawl-wadeenada iyo codbixiyayaasha xilliga doorashada.
  4. Sarkaal ka socda wasaaradda Caafimaadka ayaa Guddiga kala shaqaynaya fulinta heshiiskaan.

Heshiiska kadib Gudoomiyaha TPEC Guuleed Saalax Barre ayaa wasiirka iyo saraakiisha Wasaarada caafimaadka Puntland uga mahadceliyay is-af-garadka ay kala saxiixdeen, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in heshiiskan wax ka tari doono caafimaadka iyo badqabka dhamaan qaybaha kala duwan ee xiriirka tooska ah laleh Doorashada.

Dhankiisa Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo ka hadlay muhiimada is-afgaradka TPEC iyo Wasaarada caafimaadka ayaa sheegay in heshiiskan uu ilaalin doono faafitaanka Covid19 xiliga doorashada oo dad badan isugu imaan doonaan.