Puntland oo billowday inay Gaar ula macaamisho Beesha Caalamka

Waxaa magaalada Nairobi ku qabsoomay Shir dhexmaray Dowlad Goboleedka Puntland iyo Beesha Caalamka oo heer Wasiir ah, Kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Wasiirka Qorsheynta Dowladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta, Iyadoo Wafdigu la wadaagay Beesha caalamka Buuga qorshaha Xukuumaddaa, Waxaana Shirku kusoo dhammaaday Jawi wanaagsan.

Wakiillada Beesha Caalamka ka socday ee Shirka ka qeybgalay waxaa mid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland , Netherlands iyo SSF. Dhinaca Dowladda Puntland waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasiirka Kalluumeysiga , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah Guddiga Ganacsiga Puntland.