Puntland oo amartay in la xiro Xaafiisyo ay Wasiiro katirsan DFS ka furteen Puntland

Wasiirka Qorsheynta ee Xafiiska la xiraayo

Maamulka  Puntland ayaa amray in albaabada loo xiro labo xaafiis oo ay labo wasiir oo katirsan Xukuumadda Soomaaliya ka furteen degaanada ay kasoo jeedaan, kuwaas oo ay sheegeen in ay xooga ku saarayaan ogaanshaha baahiyaha ay qabaan deegaanada laga soo doortay.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka ee Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aysan sharciyad ku fadhiyin xaafiisyada laga furay Dhahar iyo Goldogob, oo ay leeyihiin Xildhibaano.

Xaafiisyadda ay amartay in la xiro Puntland ayaa waxaa furay Wasiiradda Qorsheynta iyo Shaqadda Shaqaallaha Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Sadiiq Warfaa.