Puntland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday isticmaalka Bacaha

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Maamulka Puntland ayaa deegaanada maamulkaas ka mamnuucday isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimillada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay suuqyada ganacsiga dalka iyo dekedaha uga mamnuucday isticmaalka, ka ganacsiga iyo soo dejinta bacda halka mar la isticmaalo oo dhibaato ku ah deegaanka.