Petr Cech oo afar todobaad ka maqnaan doona garoomada

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in goolhaye Petr Cech uu garoomada ka maqnaan doono muddo seddex ilaa afar isbuuc,

Goolhayahan calamiga ah ayaa dhawac uu kasoo gaaray kubka intii laghu jiray kulankii Arsenal guuldarada 2-1 ay kala kulnatya kooxda Swansea arbacadii.

Arsenal aya dhabar jab ay ay ku tahan tan iyadoo berito kulan wajaheysa kooxda kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham,

Wenger ayaa xaqiijiyay dhawaca Petr Cech inuu qadan karo Afarta isbuuc ee soo aadan.

Waxa uu seegi doonaa kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League kooxda Gunners ay wajaheyso Barcelona.